Wararkii ugu dambeeyay ee qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Bulsha:- Guddiga isku dhafka ah ee doorashad madaxweynaha 10-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kujira qabanqaabadii ugu dambeysay ee diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ay si rasmi ah u bilaabato qabashda codsiga musharaxiinta.

Guddiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta doorashada lagu asteeyay 15-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta oo ku eg 10-ka bishan oo ah maalin Talaado ah ayaa la filayaa in inka badan 20 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay iska diigwaangaliyaan guddiga doorashada.

Hadal jeedinta musharraxiinta is-diiwaangaliyay ayaa sida ku xusan jadwalka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya waxay noqon doonaan maalmaha 11 iyo 12-ka bishan.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ku howlan sugista amniga doorashada, iyada oo saddexdii bishan uu guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe kulan uu isugu yeeray dhammaan saraakiisha qalabka sida uu uga digay 'inay ku milmaan siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacabka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne' sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta golaha shacabka uu ku leeyahay Facebook.


Dhinaca kale, khilaaf ayaa weli ka taagan 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo, waxaana la filayaa in guddoomiyaha Golaha Shacanka Sheekh Aadan Madoobe uu go'aan rasmi ah kasoo saaro xildhibaannadan.

Wixii kusoo kordha wararka doorashada halkan ayaan kala socon doontaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment