Shiikh Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay wakiilada beesha caalamka (Sawirro)

Bulsha:-  Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Shiikh Aadan Madoobe ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somalia

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii qaab hufan  loogu soo gabagabeyn lahaa hannaanka doorashada, iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Wakiilada beesha caalamka ayaa sidoo kale Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay sidii loo xalin lahaa muranka ka taagan xildhibaano labo garab ah oo lagu doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.


Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhinaciisa kaga warbixiyey beesha caalamka qorsheyaashiisa ku aadan sidii qaab nabdoon loogu soo gebagebeyn lahaa doorashada, wuxuuna xusay inuu dedaalkiisa iskugu geyn doono sidii uu u qancin lahaa dhinacyada oo dhan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment