Midowga Afrika oo war ka soo saaray weerarkii Shabaab ee saldhigga ciidanka Burundi

Bulsha:-  Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa war ka soo saaray weerarkii xooganaa ee kooxda Al-Shabaab shalay kula wareegtay saldhig ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Moussa Faki Mahamat oo khadka tilifoonka kula xiriiray madaxweynaha dalka Burundi General Neva ayaa si adag u canbaareeyay weerarkan, wuxuuna madaxweynaha uga tacsiyadeeyay askarta looga dilay dagaalka, isagoo kuwa dhaawaca ahna Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigtay sawirada khasaaraha ay weerarkan ku gaarsiisay ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa sheegtay in 173 askari ah ku dishay, sarkaal sare oo Burundi ah ayaa isagana u sheegay wakaalada wararka AFP in 30 askari looga dilay weerarka, halka qof kamida dadka deegaanka uu indhihiisa ku arkay meydadka 14 askari oo Burundi ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee gaaray ciidan ka tirsan ATMIS Ex AMISOM marka laga reebo weerarkii sanadkii 2016 Shabaab ay ku galeen deegaanka Ceel Cade oo saldhig ay ku lahaayeen ciidanka Kenya, halkaasoo lagu dilay inta u dhexeysa 150-190 askari, halka Shabaab ay nolosha ki qabteen 11 askari oo Kenyan ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment