Sawirro:- Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Bulsha:- Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa xusay in Howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, lagana gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka Sida saldhigooda, xarun maxkamadeed oo ay halkaas ku lahaayeen.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homayda loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga wax uu ugu yeeray dhagarta ay soo maleegeen Shacabka Soomaaliyeed.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment