Ciidanka DANAB oo howlgal kula wareegay degaan katirsan Shabeellaha Dhexe

Bulsha:- Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheeysan kaasi oo ka dhan aha Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa degaankaas.

Howlgalka ayaa saraakiisha hogaamineysay ay shegeen in ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen, isla markaana laga gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida Maxkamaddii ay dadka lacagaha uga qaadi jireen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in howlgalka lagu soo furtay hub iyo gaari nooca Homay da loo yaqaan oo ay adeegsan , sidoo kalena laga dilay ku dhawaad 7 Xubnood.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga dhagarta Al-Shabaab & weerarada ayu soo maleegaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa mar walba howgallo kala duwan ka sameeya degaano kuyaalla Bartamaha & Koonfurta Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment