Ruushka oo Hawada sare ku xiray Youtuber Caan ah iyo Sababta loo xiray oo la shaaciyay

Bulsha:- Dowladda Ruushka ayaa xarun hawada sare kutaala uu maamulo ku xiray nin Youtuber caan ah oo u dhashay dalka Britian , xaruntan lagu xiray Youtuberka ayaa  ku taal dalka Kazakhstan.

Madaxa wakaaladda hawada sare ee Dalka Ruushka Dmitry Rogozin , ayaa sheegay in Youtuberka u dhashay Britain oo lagu magacaabo Benjamin Rich lagu qabtay xarun kutaala  Baikonur Cosmodrom.

Waxa uu sheegay ninkan la qabtay oo caan ku ah kanaalka socdaalka ee Bald and Bankrupt, lagu sameenayo baaritaano la xirriira falal sharci darrada ah oo uu gaystay sida uu tilmaamay.

Dhammaan duullimaadyada saldhigga hawada sare ee isticmaalaya gantaallada Ruushka waxaa laga soo duuliyay Baikonur Cosmodrome, taas oo u furan dalxiisayaasha ogolaanshaha ka haysta Roscosmos.


Xariga Ruushka u geestay ninkan u dhashay dalka Britain ayaa imaanaya xilli xiriirka ka dhaxeeya labada dal uu aad u xumaaday, dowladda Britian ayaana hub iyo dhaqaale kala duwan ku taageertay ciidamada Ukraine ee la dagaalama kuwa Ruushka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment