Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Bulsha:- Nin hubeesan oo cadaan ah ayaa toogasho dad badan lagu dilay ka geestay dukaan ganacsi oo kuyaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxaana weerarkan si weyn u hadal haya warbaahinta dalka Mareykanka .

Sargaal u hadlay booliiska magaalada Buffalo ayaa sheegay in ninka hubeesan oo dhallinyaro ahaa uu rasaas xoogan ku furay dukaanka Tops Friendly Market, waxa uuna halkaasi ku dilay dad gaaraya 10-qof halka tiro kalana uu dhaawacay.

Ciidamada booliiska oo si degdeg ah usoo gaaray goobta toogashada ka dhacday ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaam ninka toogashada ka dambeeyay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in baaris lagu wado ninkaasi iyo sababta weerarka keentay.

Dambi-baarayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo, uu si toos ah weerarka u duubayey,  waxaa sidoo kale la baarayaa in weerarkan oo  looga shakisan yahay in uu la xariiro isir naceyb.


Deegaanka weerarku ka dhacay oo banaanka uga baxsan faras magaalaha Bufffalo ayaa waxaa ku badan dadka madowga ah, waxaana ninka weerarka fuliyay ahaa wiil 18-sano jir cadaan ah looga shakisan yahay in uu yahay cunsuri .












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment