Maxkamad 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay musharaxii hore ee madaxweynaha Masar

Bulsha:-  Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.

Aboul Fotouh, oo ku jira da'da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xaalado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go'aanka maxkamadda.


Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kumannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkamadeyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn.

Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay doorka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xisbiga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii.


Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dambe ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.

Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran.

Dadka kale ee Axadii la xukumay waxaa ka mid ah Mohamed al-Qassas, ku xigeenkii Aboul Fotouh, oo lagu xukumay 10 sano ah, Mahmoud Ezzat, oo ahaa ku simaha hoggaamiyaha Ikhwaaul Muslimiin oo lagu xiray Qaahira 2020, oo lagu xukumay 15 sano, iyo Ibrahim Mounir, oo isna ka mid ah madaxda dibad-joogga ah ee Ikhwaanul Musliliinka oo xabsi daa'in lagu xukumay.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment