Erdogan oo kala hadlay Putin, hawl-galka qorshaysan ee Turkiga ee xuduudda Syria

Bulsha:-  Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, howlgalka militari ee Turkigu uu qorshaynayo inuu ka fuliyo waqooyiga Syria iyo weliba dagaalka ka socda dalka Ukraine, sida uu sheegay xafiiska madaxtooyada ee dalka Turkigu.

Madaxweyne Erdogan ayaa maalmihii la soo dhaafay wuxuu sheegay in dalkiisu uu qaadi doono duullaan ka dhan ah mintidiinta Kurdiyiinta ee ku sugan dalka Syria, si ay u abuuraan aag difaac oo nabdoon oo gaadhaya 30 KM.

Madaxweyne Erdogan oo Khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Putin ayaa u sheegay in aagga difaaca ee dhinaca xuduuda Syria, in la isku afgartay sannadkii 2019 hase ahaatee aan la hirgelin, sida ay sheegtay madaxtooyada Turkigu. Ankara ayaa bishii October ee sannadkii 2019, waxay qaadeen hawlgal ay ku bartilmaameedsadeen kooxda kurdiyiinta ee YPG.

Gobolada u soo dhow xuduudda Syria ay la wadaagto Turkiga waxaa siyaabo kala duwan ugu sugan ciidamo ka kala socda dalalka Maraykanka, Ruushka iyo weliba ciidamo taabacsan maamulka dalka Syria.

Turkiga ayaa kooxda YPG u arka inay tahay koox argagixiso oo xidhiidh la leh xisbiga laga mamnuucay dalka Turkiga ee Kurdistan Worker’s Party ama PKK, kaas oo kacdoon ka dhan ah dalka Turkiga soo waday tan iyo sannadkii 1984-kii, waxaana kacdoonnadaasi ay sababeen dhimashada tobanaan kun oo qof.


Inkasta oo dalka Turkigu uu u aqoonsan yahay kooxda YPG inay yihiin urur argagixiso, haddana ururkaas ayaa laf-dhabar u ah hawlgalka ciidamada Maraykanka ee dagaalka kula jira kooxda ISIS ee ku sugan dalka Syria. Maraykanka ayaan ku farxin duullaankii hore ee dalka Turkigu ku qaaday Syria.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay madaxweyne Putin, in Turkigu uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo, kaalina ka ciyaaro sidii loosoo afjari lahaa dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Associated Press










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment