Madaxweynaha Farmaajo oo Ubax dhigay taallada SYL.

Bulsha:- Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, aya taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Farmaaji ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”

Madaxweynaha mudadiisa sharciga ah dhamaaday ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.


Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment