Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay Bandow kusoo rogayaan Xerada Afisiyooni & Agagaarkeeda

Bulsha:- War kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa waxaa lagu sheegay in , iyaga oo la tashanaya guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inay xoojinayaan amniga xerada Afisyooni , halkaas oo la filayo in 15 bisha May lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada circa ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 May ilaa  tobanka bisha ah iyo illaa 17 ka Bisha.

Maalin ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida amamanka doorashada, iyadoo ATMIS lagu wareejiyay amniga guud ee teendhada Afisyooni, halkaas oo doorashadu ka dhacayso.


Shalay qoraal kasoo baxay Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada madaxweynaha waxaa la faray Ciidamada howlgalka ATMIS inay la wareegaan Amniga teendhada Afisiyooni , halkaas oo  lagu qabanayo doorashada madaxweynaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment