Ciidanka NISA oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Bulsha:- Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya waxaa ay ka fuliyeen degaannada Cabanaane iyo Gumeysidiid oo u dhow degaanka Janaale oo katirsan  Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha Hoose Tima weyne ayaa sheegay in howlgalka lau dilay Madaxii Miinada u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, kuwaas oo dagaal kala horyimid Ciidamada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in howgalka lagu  soo furtay qori Ak-47 ah Bustoolado Camero iyo Rimuudka lagu hago Miinooyinka qarxa ee waddooyinka lagu Aaso.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobalka Shabeelaha Hoose Tima weyne waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada u dhow degaanka janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose.




Howlgalkaan ay Ciidamada nabadsugida ka sameeyeen degaannada u dhow degaanka Janaale ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay dhowr qarax oo ay askar ku geeriyoodeen ay ka dhaceen degaanka Janaale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment