Xubinimadii Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee QM oo la hakiyey

Bulsha:- Golaha Guud ee QM ayaa Khamiistii shalay u codeeyey hakinta xubinimada dawladda Ruushka ee Golaha Xuquuqda Aadamaha ee QM. Go’aanka ayaa la xiriira xadgudubyada lagu eedeeyey in Ruushku uu ka geysanayo dalka Ukraine.

93 dal ayaa u codeeyey go’aanka joojinta, 24 way diidday, halka 58 dalna ay ka aamuseen. Golaha ayaa xubinimadii Ruushka u hakiyey arrimaha la xiriira “xadgudubyada waaweyn ee abaabulan ee xuquuqda aadamaha” iyo xadgudub dhinaca sharciga dawliga ah, kuwaas oo laga galay dalka Ukraine.

In qaraarku meel maro waxaa loo baahan yahay labo meeloodow saddex, iyada oo dalalka ka aamusayna aan la tirineynin.




Afartan iyo toddoba dal ayaa ku jira Golaha Xuquuqda Aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Waxaa cod qarsoodi ah ku doorta Golaha Guud ee QM. Ruushka waxa uu hadda ka mid ahaa golahaas oo 3 sano oo kasta doorasho loo galo. Xubinimada Ruushka ayaa dhamaaneysay 31ka bisha December ee sanadka dambe ee 2023.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment