Israa’iil :- Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay magaalada Tel Aviv

Bulsha:-  Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.


Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.


"Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka.

Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

"Argagixiso ayaa rasaata furtay, wax yar kadibna lug ayay ku carareen, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri afhayeenka booliiska Eli Levy oo la hadlayay TV-ga Channel 13.

Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israa’iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.


Sababta ka dambeysay weerarkan ma cadda, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israa’iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment