Xog: Qoor Qoor oo fashiliyey xal laga gaari rabay kuraasta la isku heysto ee K/Galbeed

Bulsha:- Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli la awoodi la’yahay in lagu qanciyo inay qaataan shahaadada xildhibaanimada si loogu gudbo wajiga dhaarta ee xildhibaanka ka dhigeysa si rasmi ah.

Maamulka wuxuu ka cabanayaa xayiraad uu guddiga doorashada ee FEIT ku sameeyey 3 ka mid ah kuraastii uu maamulkaas soo gudbiyey natiijadooda.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa  dhawaan ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble inuu isaga xayiraadda mas’uul ka yahay isagoo kursi u raadinaya qof kooxdiisa ka tirsan, qofkaas ayaa loo fahmay wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo isagu raadinayey mid ka mid ah sadddexda kursi ee uu guddiga joojiyey.

Waxaa socday wada-hadallo ay xildhibaano billaabeen oo uu markii dambana kusoo biiray hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kooxda uu Qoor Qoor hoggaaminayey ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay ku sheegeen xal doon iyo in Koonfur Galbeed lagu qanciyo inay xildhibaanada soo fasaxdo, laakiin wada-hadaladii waa dhicisoobeen oo sida muuqata dhaarta lagama soo gaarsiin karo xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Maxaa adkeeyey wada-hadallada

Sida la xaqiijiyey Qoor Qoor iyo kooxdii la socotay wax ogolaansho ah kama heysan dhanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyadoo dhinaca Rooble ay wax badan ku xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha dhawaan mar uu la hadlay xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka wuxuu u sheegay inuusan isaga dirsan kooxda Baydhaba aaday uuna saxaafadda ka arkay, laakiin uu wixii xal ah soo dhaweyn doono.


Kooxdii Baydhabo aaday waxaa lagu eedeeyey inay xaaladda uga sii dareen, isku aragti ma aheyn lixdii xubnood ee Baydhaba tagtay, qaar waxay rabeen in Lafta-gareen lagala hadlo saddexdiisa kursi, qaarna waxay rabeen in afarta kursi oo uu midka Fahad ku jiro in isku xeer lagu dhaqo oo aan la kala qaadin, ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo aan arrintaan wax ka waydiinay.

“Markii doodaha iyo kulamada bateen, waxaa adkaaday kuwii rabay inaan dhaarta lagu degdegin oo si sax ah loo wada hadlo oo uu dhammaan kuraasta ka wada fuqo Ra’iisul Wasaare Rooble, xubnihii noo yimid ee ujeedo badan qaar markii dambe olole ay musharixiin u wadeen ayey halkaan ka dhex billaabeen,” ayuu xildhibaanka ku daray hadalkiisa.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor weli wuxuu joogaa magaalada Baydhaba, halka xubnihii kale ee Muqdisho kusoo laabteen.

Waxaa la sheegay in Lafta-gareen uu mar rabay in laba kursi loo fasaxo kursiga Sareedana lagu laabto doorashadiisa, laakiin xubnihii xal doonka u baxay ayaa qaarkood xaalka sii adkeeyey iyagoo shaqo leexsan u haya Fahad Yaasiin, waxayna Lafta-gareen ku qanciyeen inuu kuraasta isku kiis ka dhigo.

Xubnaha Beesha Caalamka waxay weli wadaan dadaallo ay rabaan in kuraastaas lagu fasaxo, iyagoo cadaadis saaraya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashada ee FEIT, laakiin ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxay sheegeen inuusan Rooble ogoleyn in Qoor Qoor uu dhibco siyaasadeed ka dhex helo kiiskaan, kaasi oo dadka qaar ay ku eedeenayaan inuu yahay ninka xaaladda sii adkeeyey.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor ayaa Lafta-gareen ku qanciyey inuusan ka tanaasulin mowqifkiisa uu xildhibaanada ku xayiran illaa laga fasaxo kursiga Fahad Yaasiin, wuxuuna muddooyinkii dambe Qoor Qoor si rasmi ah uga shaqeenayey danaha Fahad Yaasiin.

Weli waxaa jirta rajo waxaana socda dadaal loogu jiro in la helo xildhibaanada Koonfur Galbeed, laakiin waxaa niyad jab abuurtay in kooxdiisa Baydhaba is xilqaanka u aaday in maanta qaarkood lagu eedeenayo inay xaaladda sii fogeeyeen.

Dooda la xiriirta in Lafta-gareen laba kursi loo fasaxo midna lagu laabto weli miiska ayey saaran tahay, lamana yaqaano sida ay u miro dhali karto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment