Sawirro:- Qaraxyo lala beegsaday xarumo Waxbarasho oo ku yaalla Magaalada Kabul

Bulsha:-  Qaraxyo lala beegsaday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan  ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan arday iyadoo ay ku dhaawacmeen 17 kale.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo ismiidaamin ah sida uu sheegay afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran, waxaana Isbitaalada xaaladaha degdega ee magaalada la geeyey Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo ku jiray xaalad halis ah.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dugsiga sare ee Abdul Rahim Shaheed Shaheed iyo meel u dhow Dugsiga Hoose ee Hooyooyinka oo dhowr kiilomitir isku jira, waxaana weerarkan cambaareeyey maamulka Taliban.

Inkastoo aysan jirin weli koox sheegatay weerarkan haddana Kooxda dowlada Islaamiga ee loo yaqaan ‘Khorasan’, ama IS-K, ayaa horay u bartilmaameedsaday iskuulada gaar ahaan xaafadaha Shiito Dast-Barchi. Bishii May ee sanadkii hore, bilo ka hor inta Talibanku awooda la wareegin in ka badan 60 carruur ah, oo ah gabdho u badnaa ayaa lagu dilay weeraradaas.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment