Baashe Yuusuf oo sheegay inuu go’aan ka soo saari doono dacwada Kursiga HOP086

Bulsha:- Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqey in fadhigii maanta ee dhageysiga dacwada kurisiga HOP086 xiran yahay, isla markaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhawaan.

Hase yeeshee guddoomiyaha maxkamada sare ayaan sheegin xilliga rasmiga ah ee ay ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwada kursiga HOP086.

Maanta ayaa Maxkamadda Sare ee dalka waxaa ay bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxaana goobta dhageysiga Maxkamada ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, waxaana goobta lagu dhageystay dacwad u dhaxeysay qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka.

Dhagaysiga dacwadan oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada ayaa labada dhinac ee doodu u dhexeysay soo bandhigeen sida ay u arkaan kiiska dacwada la xiriirta xayiraada kursiga uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin magaalada Beledweyne.






Dadka siyaasada faaqida ayaa aaminsan in Maxkamada Sare ay dooneyso inay fasaxdo kursigan iyadoo taageerayaasha Fahad Yaasiin ay sii sheegeen in kursigan loo fasixi doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment