Safiirka Qatar ee Somalia oo gaaray hargeysa balan qaadna sameeyay

Bulsha:- Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dhaweeyey safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka geeyey bartamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta haraaga hantidii gubatay, waxana uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaaray dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safiirka uga xog warramay dhibaatada uu dabku gaarsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay.

Safiirka dalka Qatar Ambassador Hassan Bin Hamza Hashem, oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehemi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qatar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baare dhinaca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qaqar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh,  ayaa muujiyey sida ay uga tiiraanyeysan yihiin dhibka gaaray hantidii bulshada reer Somaliland, waxana uu wareejiyey  mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo galeen 750 qoys oo oo danyar ah, waxana uu ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment