Madaxweyne Biixi oo La Kulmay Ganacsatada Waaweyne iyo Rugta Ganacsiga iyo $1,000’000 oo Xukuumaddu ku Deeqday

Bulsha:-Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdega isugu yeedhay ganacsatada waaweyn iyo rugta ganacsiga Somaliland  iyo xubnaha guddida heer qaran ee loo igmaday masiibada dabkii baaxadda lahaa ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Waaheen oo baa’iyey intiisa badan suuqa, ganacsato badanna ay ku hanti beeshay

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ganacsatadu gacan uga geysan lahaayeen taakulaynta dhibaatada ka dhalatay dabkii baabi’iyey suuqa weyn ee Waaheen, waxaana kulanka kadib 

madaxweyne Biixi oo hadlay uu sheegay in xukuumaddiisu ay ku deeqayso lacag $1000’000′ “Maanta waxaynu gelaynaa gurmadkii, guddidaa la magacaabay ee Sheekhu hoggaaminayaa waxay gelaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay usoo daynaysaa $1,000’000 (Hal milyan) oo dollar, si ay ugu howlgasho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xili ka hadlaayey khasaaraha ka dhashay dabkii xalay ee Waaheen.




Dabka xalay fiidkii qabsaday suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ee Waaheen ayaa waxaa uu ahaa mid saameyn aad u xoogan gaarsiiyey meheradu badan oo ay lahaayeen ganacsato, waxaana uu socday waqti dheer isaga oo baxayey ilaa subaxnimadii saakay, waxaana ganastadu ay sheegeen in hanti badan ay ku baaba’day iyo dhisme. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment