Daawo: Maxay ganacsatadu ka yiraahdeen dabkii weynaa ee xalay ka kacay Hargeysa?

Bulsha:- Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xooganaa ee xalay fiidkii hore ka kacay suuqa Waaheen ee ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka ayaa baabi’iyey xarumo ganacsi oo ku yaalla halkaasi, wuxuuna qaatay ku dhowaad 10 saacadood oo xiriir ah.

Asmo Maxamed Xasan oo ka mid ah ganacsatada ku hanti beeshay dabkaasi ayaa sheegay inay gebi ahaan gubtay xaruteeda oo uu dabku ka bilodway, sida ay shaacisay.

“Meeshaan waxaa ku baaba’day hati fara badan mehraduhu waxa ay ahaayeen kuwa badan aniga mehradeydii gebi ahaan way gubatay,: ayey tiri Asmo Maxamed Xasan.

Sidoo kale Asmo ayaa sheegtay in ku weysay dabkaasi hanti lagu qiyaasay illaa 300 oo kun oo Dollerka Mareykanka ah.

“Mehradaa lacagta nagaga jirtay ilaaheyn hainaga cawilo lacag aan 300 oo kun aan ka yareyn weeyaan , marka ilaaheybaan wax weydiisaneynaa,” ayey sii raacisay.

Dhinaca kale hooyo ka mid ah dadka iska leh mehradaha gubtay oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegay inay Hageysa gubatay, isla-markaana ay aayo beeshay.

“Hargeysa way gubatay, waana aayo beeshay, naftii ilaahey nafteyda uga saaray Alxamdulilaahi Rabiil Caalamiin. Anigu hantiile ayaan ahaa kii ku ganacsayeyna waxba ka qaadan,” ayey tiri Hooyo ka mid ah dadka uu sameeyey dabka ka kacay suuqa Hargeysa.




Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo dhankiisa ka hadlay dhacdadaan ayaa wuxuu yaboohay lacag dhan 1 milyan oo loogu talagalay dadka uu saameeyey dabkaasi.

Xaaladda Hargeysa ayaa weli aad u cakiran, waxaana goobta uu ka kacay dabka gaaray madaxweynaha Somaliland, madaxda xisbiyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment