Ciidamada Israel oo 152 qof ku dhaawacay Masjidka Al-Aqsa

Bulsha:-  Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Ciidamada Ammaanka Israel ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud kusoo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Waxay intaas ku dareen in kadib ciidamada ay galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayey ay si nabdoon uga baxaan.”

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Boolisku waxay xireen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxaa sidaas tweet ku sheegay afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett.


“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Xaramka Shariifka ah iyo guud ahaan Israel. Waxaa intaas dheer, waxaan isku diyaarineynaaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayey u yihiin shaqo kasta,” ayuu yiri Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israel ay si buuxa oo toos ah mas’uul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay farah ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh, oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israel ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israel “ay xambaareyso mas’uuliyadda iyo cawaaqibka.”

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment