Roman Abramovich oo lagu arkay calaamado muujinaya in la sumeeyay

Bulsha:- Bilyaneerka Ruushka Roman Abramovich ayaa lagu arkay calaamado looga shakisan yahay inay ka timid sumeeyn intii lagu gudo jirey wadahadal nabadeed oo ka dhacay xadka Ukraine iyo Belarus horaantii bishaan.

Milkiilaha kooxda Chelsea FC – oo hadda soo kabsaday – ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray indho xanuun iyo maqaarka oo dillaacay.

Laba ruux oo ka mid ah xubnihii wadahadalka wafdiga ka socday Ukraine ayaa sidoo kale la sheegay inay saameysay suntan.

Mid ka mid ah warbixinnada ayaa sheegay in suntan la sheegay in ay ka danbeeyeen kooxaha mayalka adag ee Ruushka oo doonayay in ay burburiyaan wadahadallada.

Wax yar ka dib markii ay eedaymahaasi soo shaac baxeen, sarkaal Maraykan ah oo aan la magacaabin ayay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay inuu sheegay in sirdoonku tilmaamay in calaamadaha raggan ay sabab u yihiin arrimo deegaan ah ee aanay ahayn sunta.

Xaaladda Mr Abramovich ayaa soo fiicnaaday tan iyo dhacdadii 3-dii Maarso,sida uu daabacay joornaalka Wall Street Journal.

Ilo ku dhow Mr Abramovich ayaa sheegay inuu hadda soo kabtay uuna sii wadayo wada xaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Dhacdadan ayaa iftiimisay doorka la sheegay in Mr Abramovich uu ku lahaa dallaalnimada wadahadalada Ukraine iyo Ruushka. Ma cadda nooca saxda ah ee booskiisa, laakiin afhayeen u hadlay oligarch ayaa horay u sheegay in saameyntiisa ay xadidan tahay.

Axadii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Mr Abramovich uu u soo bandhigay caawinaad uu ku qaboojinayo duulaanka Ruushka ee dalkaasi.


Bilyaneerka Ruushka ayaa u kala safray Moscow iyo Kyiv dhowr wareeg oo wadahadal ah bilowgii bishan. Waxaa la sheegay in uu la kulmay Mr Zelensky intii uu safarka ku jiray, balse hogaamiyaha Ukraine wax saameyn ah kuma yeelan, afhayeenkiisuna wax war ah kama haynin dhacdada.

Mr Abramovich waxaa horraantii bishan cunaqabatayn saaray Midowga Yurub iyo UK, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taasoo uu beeniyay.

Laakiin Mr Zelensky ayaa lagu soo waramayaa in uu ka codsaday Maraykanka in uu ka waantoobo cunaqabataynta uu saaray Abramovich, isaga oo ku dooday in uu door ka qaadan karo in uu wadahadal nabadeed la galo Moscow.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in Mr Abramovich uu door hore ka ciyaaray wadahadallada nabada balse howsha ay hadda gacanta ugu jirto kooxaha wada xaajoodka ee labada dal.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Talaado ah ku kulmaan Istanbul kulankoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah muddo laba todobaad ka badan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment