Mareykanka iyo Bangiga Adduunka oo digniin adag ka soo saaray dib u dhaca doorashada

Bulsha:- Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo in qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha ee guusha laga gaaray inuu dib u dhac ku imaan karo, haddii aan dowlad cusub la soo dhisin.

Taageerada Maaliyadeed ee kabka miisaaniyadda iyo nidaamka deyn cafinta ayaa halis ku jira, waxaana dhowaan Bangiga Adduunka uu sheegay in dhammaan taageerada maaliyadeed ay hakaneyso bartamaha bisha May haddii aan muddadaas Soomaaliya helin Dowlad cusub.

“Danjire AndrĂ© iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya.

Safaarada Mareykanka ayaa si xooggan u muujisay walaaceeda ku aadan dib u dhacyada hareeyay doorashada, iyadoo wali ku dhawaad 20 mudano oo aqalka hoose ah aan la soo dooran, sidoo kalena la ogeyn xiliga ay dhaceyso doorashada gudoonka baarlamaanka iyo tan madaxtooyada.


“Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee lagu daabacay barta Safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment