Putin oo u hanjabay jiritaanka 'dalnimo' ee Ukraine

Bulsha:- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka.

“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

“Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”

Kyiv ayaa ugu baaqday Reer Galbeedka inay sare u qaadaan kaalmada militari ee ay siiyaan, oo ay ka mid yihiin diyaraadaha dagaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale ka codsaday dalalka dersika la ah ee Yurubta Bari inay siiyaan diyaaradaha ay Ruushka sameeyeen oo duuliyayaasha Ukraine loo tababaray inay duuliyaan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa werisay in Washington ay ka shaqeyneyso heshiis ay la galeyso Warsaw, kaasi oo Poland ay Ukraine ku siineyso diyaaradaha dagaalka ee xilligii Soviet-ka, looguna beddelayo kuwa F-16 ee Mareykanku sameeyo.

Islamarkaana, Putin ayaa xoojiyey digniinta uu ujeedinayo NATO, isaga oo ku hanjabay dagaal baaxad weyn, haddii aag duulimaadyada ka caagan la hirgeliyo.

Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay “cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” haddii tallaabo noocaas ah la qaado.

“Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yiri “In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.”

“Cunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ku gacan sayray warar la isla dhex-marayo oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorsheynayo in xeer militari uga dhowaaqo Ruushka.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment