Kooxda SLAC oo badisay ciyaartii furitaanka ee tartanka Sahara Conference

Bulsha:- Kooxda Kubadda Koloyga ee Seydou Legacy Athletique Club (SLAC) ee waddanka Guinea ayaa guul ka gaartay furitaanka koobka Sahara ee kooxaha horyaallada Africa, kadib markii ay 85-70 uga adkaatay kooxda Dakar Universite Club (DUC) ee dalka Senegal ciyaar kadhacay garoonka Dakar Arena Sabtidii.

Ciyaaryahannada kooxda SLAC Chris Obekpa, Josh Nzeakor, iyo Dane Miller Jr ayaa wacdaro ka dhigay furitaaka koobkaan, waxaana inkasta oo ay guushu raacday SLAC haddana kooxda DUC ay la timid ciyaar wanaag, iyadoo ay garoonka soo buux dhaafiyeen taageereyaasheeda.

MARCUS CRAWFORD isna ahaa dhiliyii ugu dhibcaha badnaa, isagoo dhaliyay 30 dhibcood, ayaa xaqiijiyay guusha SLAC ee furitaanka tartanka Sahara Conference.


Natiijooyinka ciyaarahan iyo wixii warar ah ee kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment