Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo u safray dalka Qatar

Bulsha:- Madaxweynaha mudo xilleedkiisu uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in soocdaalka madaxweynaha uu qaadan doono mudo laba maalin ah, isagoo halkaasi kula kulmi doona Amiirka dalka QaTar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani iyo mas’uuliyiin kale oo sar sare.

Farmaajo iyo Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Dowladda Qatar ayaa dadaalkeeda ku bixineyso sidii xukunka dib loogu soo celin lahaa Farmaajo, iyadoo Safarkan kii ka horeeyay Farmaajo dalkaasi ku tegay daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii hore ee 2021.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment