Erdogan oo Putin ku boorrinaya in uu 'si degdeg ah ku afjaro' duullaanka Ukraine

Bulsha:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadda berri ah telfoon kula hadli doona madaxweynaha Russia Vladimir Putin si ay uga hadlaan duullaanka Russia ee Ukraine, sidaasina waxaa sheegay Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka Erdogan, wuxuuna intaa ku daray in Turkey uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto in dhibaatada la xalliyo.

Turkey oo xubin ka ah Isbahaysiga NATO ayaa dhinaca Badda Mdow xuduud kala leh labada dal ee Ukraine iyo Russia, iyada oo xiriir wanaagsan la leh labada, laakinse waxa uu ka soo horjeedaa cunnaqabateynada lagu soo rogay Moscow.

Ankara ayaa ku tilmaantay duullaanka mid aan la aqbali karin waxayna dalbatay in ay martigeliso wadahadallo nabadeed, iyadoo ku baaqday xabbad-joojin.

Isaga oo Sabtida maanta ah wariyeyaasha kula hadlaya magaalada Istanbul ayuu Kalin sheegay in Erdogan uu dalabkaasi markale la soo qaadi doono Putin, iyo in uu hordhigi doono in uu “fursad siiyo” xabbad-joojin bani’aadanimo iyo in marin loo abuuro si dadku ay uga baxaan, islamarkaana shixnadaha gargaaku ay ku maraan.

“Farriinta madaxweynaheenna waa in si dhakhsa ah uu dagaalka iyo duullaankuba u joogsadaan, wadahadalku uu bilowdo uu la isugu yimaado madal ku habboon, dublumaasiyaddana fursad la siiyo,” ayuu yiri Kalin.


Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Russia ay haysato dal ay ku kalsoon tahay oo ay la hadli karto maadaama dalalka Galbeedku ay jareen xiriirka ay la lahaayeen ayuu yiri Kalin oo intaasi raaciyay in Turkey uusan diyaar u aheyn in uu ka tanaasulo xiriirka labada dal ee Russia iyo Ukraine.

Turkey ayaa Russia la leh iskaashi dhow oo isugu jira dhinacyada difaaca, tamarta iyo ganacsiga, waxuuna si weyn ugu tiirsan yahay dalxiisayaasha Ruushka.

Laakiin, waxa uu sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ka iibiyay Kyiv, taasi oo ka caraysiisay Moscow, iyadoo uu Turkey sidoo kale ka soo horjeedo siyaasadaha Ruushka ee Syria, Libya, iyo inuu 2014-kii goostay gacanka Crimea.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment