Daawo:- Dharbaaxadii Xalay Xaday Indhaha Daawadayaasha Ee Aadka Loo Hadal-hayo Xafladii Oscar

Bulsha:- Jilaaga caanka ee ree Maraykan Will Smith ayaa xalay dharbaaxo masraxa dushiisa ah kula dhuftay Martigaliyihii xafladii Oscar-ka, ee majaajiliiste Chris Rock iyadoo si toos ah hawada looga daawanayay kadib markii Smith uu ka carooday hadal kaftan umuuqday oo uu Chris ka sheegay xaaskiisa.

Mr.Rock ayaa hadal kaftan ah ka sameeyay madaxa xiiran ee xaaska Will Smith, Jada Pinkett Smith, taas oo qabta xaalad Caafimaad oo horseeday inay timahu ka daataan, isagoo lamid dhigay sida Madaxii xiirnaa ee Demi Moore ay ku jishay Flimkii G.I. Jane, 1997kii.

Will Smith oo markii hore umuuqday inuu dhoola cadeeyay ayaa si kadis ah usoo fuulay masraxa waxa uuna dharbaaxo laga maqlay Shaashadaha ku dhuftay Chiris isagoo si degdeg ugu soo laabtay xaaskiisa dhinaceeda waxa si caro leh uu uyiri ” afkaaga xunka ka jooji magaca Xaaskayga”, lakiin markii dambe wiliam ayaa cududaartay isagoo ilmeynaya ayuuna sheegay in mararka qaar jacaylku kugu qasbayo waxyaabo sidan oo kale ah.

Xiddiga Hollywood Will Smith ayaa markii ugu horeeyay ku guuleystey Aktarka ugu Wanaagsan Oscarka isagoo lootixgaliyay doorkiisii Flimka “King Richard”, Kaas oo uu matalayay Aabaha iyo tababaraha tennisyahanada caanka ah ee Serena iyo Venus Williams.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment