Cumar Filish oo dhagax dhigay laami cusub oo laga dhisayo Muqdisho (Sawirro)

Bulsha:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadada Dr. Kadare, wadadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.

Dhismaha wadadaan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada Caasimadda iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadweynaha ku tagi doonaan xeebaha wadadaas saaran.

Gudoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaaliyeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilmaamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin dadaal kaste oo lagu horumarinaayo Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan waxa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh.


Dhan kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib u dhiska lagu sameynayo wadada Fagax oo kamid ah wadooyinkii ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment