Al-Shabaab oo toogatay Haweeney kamid aheyd Ciidanka ilaalada Madaxtooyada

Bulsha:- Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Buq-Aqabe galbeedka gobalka Hiiraan ku toogatay jimcihii Haweeney kamid aheyd ciidammada amniga Madaxtooyada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Haweeneyda ay dishay Al-Shabaab ayaa lagu magacaabi jiray Naxteexo Jimcaalle Maxamed. Fagaaraha toogashadan ka dhacaysa ayaa waxaa la isugu keenay boqolaal kamid ah dad deegaanka Buq-Aqabe.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in AUN Naxteexo Jimcaalle ay ka howgalaysay muddo ka badan 3 sano xarunta Madaxtooyadda Hirshabeelle ee Jowhar, oo kamid aheyd saraakiisha ammaanka Madaxtooyadda.

Al-Shabaab ayaa horay fagaarayaal ku yaalla deegaanada ay gacanta ku heyso ku dishay dad ay sheegtay inay kamid yihiin ciidammada iyo shaqalaaha DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment