Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxii Beledweyne iyo musharax ku dhintay

Bulsha:- Magaalada Beladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha Qarxa, waxa uu sababay dhimasho, Dhaawac iyo burbur hanti sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Qaraxa waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Xarunta Lama-galaay iyo Buundada Liiq-Liiqato oo martigelisay kulamada looga hadlayo Amniga Beledweyne, Doorashooyinka iyo kuwa xalka loogu raadinayo khilaafaadka siyaasadeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad lagu magacaano Baar Xasan dhiif oo ku yaala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhinta ayaa gaaraya 16 qof  halka 2 qof oo ka mid ah dadkaas  ay kala ahaayen Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale dadka dhintay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeyn musharaxiin dooneysa Xildhibaanimo iyo Ergooyinkooda, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku sugan goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Dadka Qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ahaa Maxamed Cabdullaahi Nuur oo ahaa musharax u taagan doorashada Kursiga HOPP#03 oo la filayey inay doorashadiisa ka dhacdo Magaalada Beleweyne.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyinka ka dhaw goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la qaaday Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray, Goobta qaraxa uu ka dhaxay ayaa ah meel inta badan xafladaha iyo shirarka lagu qabto.

Dhaawacyada dadka waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa ka dhacay gudaha maqaayada Xasan Dhiif ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.


Taliska Booliska iyo Maamulka Magaalada Beledweyne warkama soo saarin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa lagu wadaa in lagu qabto maalinta Berri ah doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment