War Naxdin:- Arday loo garaacay sabaayad uu ka boobay ardaydii kale

Bulsha:-   Arday reer Kenya ah ayaa lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla magaala xeebeedka Mombasa, kaddib markii loo garaacay shan sabaayad oo uu cunay.

Iskuulka ayaa arday kasta u qoondeeysay inuu cuno xabad sabaayad balse wiilka ayaa baddalkii taas cunay 5 xabo.

Macalimiinta ayaa lagu eedeyay inay wiilka ku garaaceen tuubbo balse maamulka iskuulka ayaa eeda dusha uga tuuray ardaydii ay iskuulka isla dhiganayeen.

Wiilkan 13-jirka ah ayaa jirkiisa waxaa ka muuqda calaamado madow, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo muuqaallada lagu wadaagay baraha bulshada.

Waalidiintiisa ayaa sheegay in iskuulka aysan ku soo wargelin dhacdadan ilaa todobaad ka dib uu wiilkooda aad u xanuunsaday.

Dhakhaatiirta isbitaalka ayaa sheegay in wiilka uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka kilyaha iyo xubnaha taranka.

Mas’uuliyiinta waxbarashada ee deegaankaasi ayaa xiray iskuulka kadib kormeer ay ku sameeyeen dhacdadan.

Arrintan ayaa caro ka dhex dhalisay qaar ka mid ah dadka Kenyaanka ah ee isticmaala baraha bulshada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment