DEG DEG: GALMUDUG oo hakisay kursi doorashadiisa berri la qaban lahaa

Bulsha:- Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#071, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.

Guddiga ayaa sheegay in aan la dhameystirin habraacyada doorashada kursigaas, ayada Axadii soo saartay jadwalka qabashada doorashada iyo guddiga soo xulista.

Sida uu markii hore qorshuhu ahaa maanta waxa bilaabmeysay qabashada araajida, diiwaan-gelinta lacag shubista iyo shahaado siinta musharaxiinta kursigaas oo tirsigiisu yahay HOP#071.

Inkasta oo guddiga uusan si faah-faahsan uga hadlin habraacyada aan dhameystirneyn ee loo hakiyay kursigan, ayaa haddana waxaa soo baxeysa in uu khilaaf ka jiro kursigaas oo musharaxiin ka tirsan ay sheegen in ay iskaga hareen tartanka.


Kursiga la hakiyay doorashadiisa ayaa waxaa hadda ku fadhiya Xildhibaan Saabiir Nuur Shuuriye, lamana oga illaa hadda xiliga dib loo shaacin doono jadwalka doorashadiisa.

Si kastaba, Guddiga ayaa doorashada kursigaas ku badashay HOP#061 oo maalinta berri ah la qaban doono doorashadiisa, ayada oo maanta ay bilaabatay qabashada araajida, diiwaan-gelinta, lacag shubista iyo shahaado siinta msuharaxiinta, iyo weliba dhameystirka tobabarka egrada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment