Shiinaha oo jawaab ka bixiyey booqashada wafdiga Somaliland ku tageen Taiwan

Bulsha:- Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Zhao Lijian ayaa jawaab caro leh ka bixiyey booqashada wefdi ka socda Somaliland ay maalintii labaad ku sugan Taiwan, halkaasoo la filayo inay ku kala saxiixdeen heshiisyo cusub

Zhao Lijian ayaa sheegay in dunida laga aqoonsan yahay hal dal oo la yiraahdo Shiinaha, Taiwan-na ay tahay qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Shiinaha.

Afhayeenka waxa uu sheegay in Taiwan ay isku dayday inay raadiso gooni-u-goosad balse ay sidoo kale hurinayso olol si ay u wiiqdo madaxbannaanida iyo midnimada dalalka kale.”


Taiwan iyo Somaliland labaduba waa dalal dimuquraadi ah oo iskood isu maamula oo aan inta badan dunidu aqoonsanayn, waxayna dadaal ugu jirta inay kor u qaaddo joogitaankeeda masraxa caalamka iyadoo Shiinuhuna ugaarsanayo xulafadeeda diblomaasiyadeed.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment