Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka degmada Balcad oo dab qabsaday

Bulsha:- Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu dab ka kacay saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaanka Haanshiikh ee duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad.

Dabkan ayaa la sheegay inuu sababay inuu ku fido baqaarada hubka ee ciidamada ku sugan saldhigaas kadibna ay qaraeen rasaastii iyo hubkii yiil baqaarka.

Qaraxyada hubka baqaarka yiil ayaa laga maqlay deegaano badan oo ka tirsan degmada Balcad iyadoo dadkana ay u fasirteen in dagaal uu ka dhacay halkaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dabkan uu ka bilowday korontada ay isticmaalayeen ciidamada,balse ugu dambeyntii lagu guuleystey in la damiyo.


Hase yeeshee majiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM ee la xiriira dabka ka kacay saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment