Madaxwyne Joe Biden oo ku dhawaaqay cuna-qabateyn ka dhan ah Ruushka

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay cuna-qabateyn dhaqaale oo culus oo ka dhan ah Ruushka.

Madaxweyne Biden ayaa cuna-qabateyntani ku bartilmaameed-saday bankiyo iyo ganacsato Ruush ah, tallaabadaan oo jawaab u ah go’aanki uu madaxweyne Putin shalay ku ictiraafay madaxbannaaniada laba gobol oo ku yaalla bariga Ukriane.

Hadal uu goor-dhaweyd jeediyay ayuu madaxweyne Biden ku sheegay, in Moscow ay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga ah isla markaana wixi ay shalay sameysay ay billow u tahay duulaan ay damacsantahay inay ku qaaddo Ukraine.

“Qof annaga naga mid ah laguma siri karo” sheegashada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ku saabsan Ukraine, ayuu yiri madaxweyne Bidne. Wuxuu intaasi ku daray in cuna-qabetyno kale ay jidka ku soo jiraan, haddii uu Putin ku dhaqaaqo duulaanka.




Biden wuxuu kaloo sheegay inuu ciidamo dheeraad ah u dirayo dalalka baltiga ee Yurub kuwaas oo xoojin u noqon doona ciidanka safka hore ee NATO ee jooga dalalka bariga Yurub ee deriska la ah Ruushka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment