Musharax Ruto oo beeralayda Kenya u sheegay in qaadkooda ay geyn doonaan Soomaaliya

Bulsha:- Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, oo ah musharax xilka Madaxweynaha dalka kenya oo maalmihii la soo dhaafay ololahiisa doorasho ka waday gobolka jaadka uu ka baxo ee Meru ayaa waxaa uu sheegay in hadii loo doorto xilka Madaweynaha uu heshiis la gaari doono dowlada Soomaaliya.

Ruto ayaa beeralayda Qaadka ka ballanqaaday inuu kordhin doono wax soo saarka Qaadka sidoo kalena uu wadahadal la gali doono Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku saabsan sidii qaadka Kenya loogu fasixi lahaa dalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u joojisay in la keeno qaadka ka baxa dalka Kenya oo si weyn looga isticmaali jirey dalka Soomaaliya.


Beeralayda kenya ayaa qasaare badan kala kulantay kadib markii xukuumada Soomaaliya ay joojisay keenista qaadka ka baxa Kenya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment