Maraykanka oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Sh/dhexe

Bulsha:- Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegeen inay ka fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab deegaanka Duduble oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Qoraal lagu daabacay bogga Africom ayaa lagu shegay in loo fasaxay inay fuliyaa fuliyaan weerarro lagu taageerayo dowlada federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee qoraalka ayaan sheegin qasaaraha ka dhashay duqeyntan oo barbar socday weerar ay ciidamada DANAB ka fuliyeen deegaano ay ku sugnaayeen Alshabaab oo ku yaal xadka kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ee Maamul goboleedka Hirshabelle.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.”ayaa lagu yiri qoraalka.


Duqeyntan oo ah tii ugu horeysay ee ciidamada Maraykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya sanadkan 2022ka ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dhawaan booqasho ku yimid dalka Soomaaliya taliyaha ciidamada AFRICOM General Townsend.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment