Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle & Dhigiisa Masar oo ka wada hadlay qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Bulsha:-  Madaxweynaha Masar ayaa marti-geliyey dhiggiisa Jabuuti oo ay yeesheen wada-hadallo lagu horumarinayo xiriirkooda iyo biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee Ethiopia ay ka dhiseyso Webiga Nile, kaasoo Masar ay u aragto halis ka dhan ah shacabkeeda.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cago-dhigtay magaalada Qaahira, waxaana garoonka ku qaabilay madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi.

Booqashada Geelle ayaa timid sideed bil kadib markii Al-Siisi uu booqasho naadir ah ku tegay dalka Jabuuti.

Al-Siisi ayaa xilligaas noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Masri ah ee booqda Jabuuti tan iyo markii uu dalkaas xoriyadda qaatay 1977-kii. Waxay qeyb ka aheyd dadaal ay Masar ku dhiseysay xulufo ay u raadineysay muranka Webiga Nile ee kala dhaxeeya Ethiopia.

Madaxweynaha Masar ayaa ku celiyey dalabka dalkiisa ee ah in heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka oo Ethiopia ay uga baxday 4.6 bilyan oo dollar.

Al-Siisi ayaa sheegay in heshiis noocaas uu noqon doono mid ku yimaada waqtiga ku habboon, uuna gacan ka gaysan karo “xoojinta ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”


Wada-hadallada muranka biyo-xireenka ee u dhaxeeya Masar, Ethiopia iyo Sudan ayaa istaagay sanadkii tegay. Masar iyo Sudan ayaa marar badan ku celiyey baaq ay u jeedinayaan beesha caalamka ee ah inay gacan ka gaysato heshiis laga gaaro buuxinta biyo-xireenka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment