Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle oo heshiis gaaray + Sawirro

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka heshiiyey khilaafkii u dhaxeeyey beeshaas iyo maamulka HirShabelle.

Kulanka oo saacado badan socday ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweye ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa lagu sheegay in heshiis rasmi ah laga gaaray tabashadii iyo diidmadii ay Beesha Xawaadle ka qabtay maamulka HirShabelle.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in nabadoonada iyo Waxgaradka beesha Xawaadle iyo maamulka HirShabeelle ay ku heshiiyeen in maanta wixii ka dambeeya laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dowladnimada.

Si rasmi ah looma ogo waxyaabaha ay ku heshiiyeen madaxweynaha HirShabelle iyo Beesha Xawaadle oo muddo diidaneyd inuu yimaado Magaalada Beledweyne.

Khilaafka Beesha Xawaadle iyo maamulka Hirshabelle ayaa yimid kadib markii Beesha Xawaadle laga wareejiyey xilka madaxweynaha Hirshabelle oo ay horey u heysteen isla markaasna loogu badalay ku xigeen taasoo ay Beesha si weyn uga hor timid.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka beesha xawaadle ee tabashada ka qabay Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen  Dowladda iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada.


Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment