Itoobiya oo bilowday in Koronto ka dhaliso biyo-xireenka Niilka Buluugga ah

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah u daah furay wax soo saarka koronto ee biyo xireenka weyn ee wabiga Niilka Buluuga ah, taasoo ah mid taariikhi ah oo laga gaaray mashruuc ku baxay balaayiin doollar ee muran badan dhaliyay.

Abiy oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare ayaa booqday xarunta tamarta laga dhaliyo maanta wuxuuna taabtay badhannada shaashadaha elegtarooniga ah, tallaabadaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay billaabeen wax soo saarka.

“Dhismaha biyo-xireenkan weyn waxaa dhisay dad Itoobiyaan ah, balse ma ahan kaliya mid Itoobiyaan ah, halkii ay ka faa’iideysan lahaayeen dhammaan walaalaheenna Afrikaanka ah,” ayuu yiri sarkaal ka hadlay xafladda daahfurka.

“Maalintii uu qof kasta oo Itoobiyaan ah u huray, u rajeeyay oo uu u duceeyey, waa ugu dambayn.”

Biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ayaa lagu wadaa inuu noqdo mashruuca ugu weyn ee korontada laga dhaliyo Afrika, balse waxa uu udub dhexaad u ahaa khilaafka gobolka tan iyo markii ay Itoobiya bilowday sanadkii 2011-kii.

Waddamada deriska la ah Itoobiya ee Masar iyo Suudaan ayaa biyo xireenka u arka mid halis ah, sababtoo ah waxay ku tiirsan yihiin biyaha Niilka, halka Addis Ababa ay u aragto inuu muhiim u yahay koronto iyo horumarkiisa.


Mashruucan oo ku kacaya $4.2bn ayaa ugu dambayntii la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, taas oo ka badan laban laabmidda wax soo saarka korontada ee Itoobiya.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in biyo xireenka dheer ee dhererkiisu yahay 145 mitir (475 cagood) – oo ku yaalla webiga Blue Nile ee gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Itoobiya, oo aan ka fogeyn xuduudka Suudaan – uu bilaabay inuu dhaliyo 375 megawatt oo koronto ah mid ka mid ah marawadaheeda maanta.

Masar, oo ku tiirsan wabiga Niil ilaa 97 boqolkiiba waraabka iyo biyaha la cabbo, ayaa u aragta biyo-xireenka khatar jirta.

Sudan waxa ay rajaynaysaa in mashruucani uu nidaamiyo fatahaadaha sanadlaha ah balse waxa ay ka cabsi qabtaa in biyo xireenadeedu ay waxyeelo soo gaadrto iyada oo aan heshiis laga gaadhin hawlgalka GERD.

Labadan dal ayaa Itoobiya ku dabada ka riixayay in heshiis rasmi ah laga gaaro buuxinta iyo ka shaqaynta biyo-xidheenka wayn, balse wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen Midowga Afrika (AU) ayaa lagu guul-darraystay in wax natiijo ah laga gaaro.

Biyo-xireenkan ayaa la bilaabay xilligii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Meles Zenawi, oo ahaa hoggaamiyihii soo xukumayay Itoobiya in ka badan labaatan sano ilaa uu geeriyooday 2012-kii.
Shaqaalaha Rayidka ah ayaa mashruucan ku darsaday mushaar hal bil ah sanadkii la bilaabay mashruucan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment