Farmaajo oo ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ee la wareegidda amniga dalka

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir-madexeedka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda mas’uuliyadda amnigeeda qaran.

Farmaajo ayaa intaas ku daray “in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta” heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta kasoo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dawladda Soomaaliya ayaa bishii December 2021 mar kale ku celisay inay kasoo horjeeddo in hawlgalka AMISOM loo bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

War-saxaafeed ay xilligaas daabacday Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, balse kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay si xooggan u diiddan tahay qorshe uu ku taliyey hawlgalka wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qorshahaas waxaa markiisii hore soo jeediyey guddi qiimayn ah oo Midowga Afrika usoo diray Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya waxay horey u diidday qorshahaas bishii July ee sannadkan.

Laba toddobaad kahor, Guddi farsamo oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samantar, ayaa heshiis la galay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AU PSC).


Heshiiskaas ayaa ku saabsanaa dib u habeynta iyo qaabka hirgelinta qorshaha looga guurayo AMISOM amniga dalka, isla markaana ula wareegi lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha kale ee amni, balse lagama bixin faah-faahin badan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment