Ciidamada Mareykanka ee xoojinta NATO oo gaaray dalka Poland

Bulsha:- Ciidamadii ugu horreeyay ee Mareykan ah ayaa Sabtidii gaaray waddanka Poland, si ay u xoojiyaan xulafada NATO ee ku sugan Bariga Yurub, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Poland, iyadoo laga cabsi qabo in Ruushka uu ku duulo dalka deriska la ah ee Ukraine.

"Sida lagu dhawaaqay, cutubyada ugu horreeya ee guutooyinka dagaalka ee qaybta 82-aad ee hawada sare ee ciidamada Maraykanka ayaa soo gaaray Poland," ayuu yiri afhayeen u hadlay militariga Poland.

Ciidamada Mareykanka ayaa gaaray saldhiga milatari ee Rzeszow oo ku yaala koonfur bari Poland, una dhow xadka uu la wadaago Ukraine, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Arbacadii amray in 1,700 oo askari la geeyo halkaasi. Ilaa 4,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa Poland joogay tan iyo 2017.

Biden ayaa sidoo kale amar siiyay ciidamada Romania iyo Jarmalka, isaga oo tirada guud ee ciidamada dheeraadka ah gaarsiiyay ku dhawaad 3,000.

Mareykanka ayaa 8,500 oo kale oo askar Mareykan ah geliyey heegan sare bishii Janaayo si loo geeyo Yurub haddii loo baahdo. Waxay weli ku jiraan heegan sare waxaana la filayaa in wasiirrada gaashaandhigga ee NATO ay ka wadahadlaan in xoojin dheeraad ah lagu daro kulankooda soo socda ee Febraayo 16-17.

Laba ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee Yurub ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda u safraan caasimadaha Ruushka iyo Ukraine si ay wadahadal ula yeeshaan dhiggooda si loo yareeyo xiisadaha sii kordhaya ee ku hareeraysan duullaanka suurtagalka ah ee Moscow ee Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku wajahan Moscow isniinta iyo Kyiv maalinta talaadada ah. Toddobaadka soo socda, Olaf Scholz ee Jarmalka ayaa lagu wadaa inuu booqdo Kyiv Febraayo 14 iyo Moscow Febraayo 15.


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa jimcihii khadka taleefoonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, iyagoo ka wadahadlay dhismaha ciidamada Ruushka ee xadka Ukraine iyo khatarta iskahorimaadyada hubeysan.

Waxa uu xaqiijiyay "Taageerada hagar la'aanta ah ee Mareykanka uu u hayo madaxbanaanida Ukraine" wuxuuna si cad u sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay "in uu cawaaqib degdeg ah oo adag ku soo rogo Ruushka haddii uu doorto inuu sii kordhiyo" xaaladda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment