Fahad Yaasiin oo gaaray Beledweyne +Sawirro

Bulsha:- aliyihii hore NISA, ahna la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goor dhaweyd ka dagay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo la filayo inuu kasoo qaato Kursiga HOP086.

Safarka uu Fahad Yaasiin ku tagay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku wehliyo gacan yarihiis xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, iyadoo tagitaanka maanta ee magaalada ay ku soo aadeyso qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne.

Fahad Yaasiin ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo qaato shahaadada musharaxnimo ee kursigii OP086 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadda Dalka uga maqan arriimo dhanka caafimadka ah.

Berri ayaa la filayaa in la qabto doorashada kursiga OP086 oo lasii og yahay inuu kusoo bixi doono Fahad Yaasiin, iyadoo Ergadii dooran laheyd ugu diyaarsan yihiin garoonka diyaaradaha Beledweyne.


Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment