Erdogan oo go’aan lama filaan ku noqday Ruushka qaaday xilli xaalada Ukraine sii cakirmay

Bulsha:- Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan,ayaa khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa Ukraine Vladamir Salaneski isagoo codsaday in xaalada wada hadal lagu dhameeyo xabadana la joojiyo.

Madaxweyne Salaneski,waxa lagu arkay galabta isagoo dhex socda qaar ka mid ah waddooyinka Caasimada Kiev shaacana ka dhigay in aysan is dhiibi doonin.

Dhinaca kale xaalad cakiran ayaa ka jirta Ukraine oo weli duqeymo diyaaradeed iyo gantaalo qalab iyo gaadiid laga soo ridayo ah waxay ku dhacayaan Dalkaasi.

Maraakiibta ruushka oo isku dayey inay dhinaca badda madoow ka weeraraan waddanka Ukraine ayaa la hor istaagay.

Turkiga ayaa xirtay badda madow iyadoo tallaabadaas uu soo dhaweeyey Madaxweyne Salaneski oo ku tilmaamay mid ay Turkigu ugu hiiliyey dalkiisa.


Dhimashada guud 148 ayey ka badan tahay dhaawacana tiro rasmi ah lama sheegin tan iyo inta uu bilowday duulaanka ruushka ku qaaday Ukraine Labo cisho ka hor.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment