Dacwadda dilka Madaxweynihii hore ee Burkina Faso oo la hakiyey

Bulsha:-  Maxkamad ku taalla waddanka Burkina Faso ayaa hakisay dacwadda la xiriirta dilkii madaxweynihii hore ee dalkaas, Thomas Sankara, oo ay wajahayeen eedeysaneyaal.

Sankara oo ahaa hoggaamiyihii kacaanka ee dalka Burkina Faso  ayaa la dilay sanadka marka uu ahaan 1987-kii, waxaan kadib billowday baaritaano soo socday oo ku aadan dilkiisa.

Qoyska Mr Sankara ayaa codsaday in la hakiyo kiiska sababo la xiriira afgambigii militari ee waddankaas ka dhacay isbuucii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay dib u billaabi doonaan marka sharciga dastuurka lagu soo celiyo dalka.

Midowga Afrika ayaa Isniintii sheegay inuu xubinnimada ururkaas ka saaray Burkina Faso, go’aankaas oo yimid afar maalmood kaddib markii urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas uu sidoo kale iska saaray Burkina Faso.

Wafdi isku dhaf ah oo ka kooban Qaramada Midoobay iyo Ecowas ayaa ku sugan magaalada Ouagadougou si ay wada hadal ula yeeshaan hoggaanka militariga.


Si kastaba, xaaladda Burkina Faso ayaa haatan aad u cakiran, kadib is-bedalka ka dhacay waddankaas oo gebi ahaanba ay Inqilaab ku qabsadeen ciidamada milatariga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment