Daawo Sawirada Isbitaalka loo aqoonsaday dhismaha cusub ugu wanaagsan ee adduunka

Bulsha:- Machadka Royal ee naqshadaha Ingiriiska (RIBA) ayaa u magacaabay dhismaha cusub ee ugu wanaagsan adduunka isbitaal ay leeyihiin bulshada ku nool deegaan fog oo ku yaal dalka Bangaladesh.

Isbitaalka Friendship wuxuu ku yaalaa tuulada Shyamnagar ee koonfur-galbeed ee Bangladesh degmada Satkhira – aag u nugul duufaanada soo noqnoqda iyo kor u kaca heerarka badda.

Isbitaalkan oo ka kooban 80 sariirood oo ku yaala aagga ay duufaantu u nugul tahay ayaa lagu dhisay leben gudaha lagu sameeyay.

“Waxaan shaqaaleysiinnay dhammaan farsamayaqaanada maxalliga ah, iyo qalabka laga heli karo deegaanka, Dadka ku nool halkaana waxay ahaayeen dad reer tuulo ah, waana inaan hubinno inay tan u aqbali doonaan meel ay daryeel ugu imaan karaan,” Kashef Chowdhury, oo ah madaxa naqshadeynta mashruuca, ayaa u sheegay Al. Jazeera.

Kanaal ayaa dhex mara cusbitaalka si uu u kala saaro qaybaha bukaan-jiifka iyo bukaan-socodka ee cusbitaalka.

“Kanaalka ayaa ka caawiya qaboojinta Waxay ka caawisaa in laga fogaado nooc kasta oo qaboojiyaha iyo isticmaalka tamarta guud ahaan xarunta isbitaalka,” ayuu yidhi Chowdhury.

“Waxaan soo bandhignay barxad, beero, barkado iyo geedo, cagaar badan oo soo jiita iftiinka qoraxda iyo hawada dhammaan meelaha bannaan.”ayuu sii raaciyay.
Abaalmarintan qaaliga ah ayaa waxaa u dabaaldagay dadka ku nool deegaanka iyo kuwa ka shaqeeya.


“Ka hor ma aanan arag isbitaal kan oo kale ah. Waxay si aad ah ugu dhexjirtaa dabeecadda, wax macmal ah looma isticmaalo, xitaa lebenku waa dabiici. Waa nadiif, oo qurux badan – gudaha iyo dibaddaba – marka la barbar dhigo dhismayaasha kale ee aagga,” ayuu yiri Golam Rasul oo ka mid ah beerlayada ku nool deegaankaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment