DAAWO: Madaxweyne Deni ”Hay’addaha Amniga waxaan faray in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan Qaraxyadii Boosaaso”

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray laamaha ammaanka Puntland inay warbixin dhameystiran kasoo gudbiyaan qaraxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayay shacab fara-badan oo kusoo dhaweeyay Boosaaso, ayaa xusay in falalka ammaan-darro ee ka jira Boosaaso uu sababay istaaga ‘Wada shaqeyntii iyo howlgaladii ay wadajirka u fulin jireen ciidammada Amniga’ ayna dowlad ahaan diyaar u yihiin in la xaliyo.

Waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay magaalada Boosaaso ay ahaayeen nasiib-darro, balse aysan gorgortan ka galeyn Amniga iyo xasiloonida bulshada Puntland.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Puntland ka sheegay bannaanka magaalada Boosaaso, kahor inta aan Qarax lagula beegsan afaafka hore ee magaalada Waftiga uu hoggaaminayay, kaas oo sababay dhimashada labo askari, iyo dhaawaca afar kale.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment