Axmed Madoobe oo shaaciyay in Abaarta ugu daran ay kajirto Jubbaland

Bulsha:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay shir Weynaha Qaran ee gurmadka abaaraha oo lagaga hadlayay tageerada dadka ay saamaysay abaarta ka jirta dalka, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha abaarta ugu daran ay ka jirto gaar ahaan dhulka ka fog wabiga Jubba kuwaas oo gargaar deg deg ah u baahan isla markanaa Jubbaland ay gurmadka wado balse loo baahan yahay taakulo dheeraad ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in gurmadka beesha caalamka uu mar walba yahay mid soo daaha oo si joogto ah aan uga jawaabi karin baahiyaha deg dega ah sidaas darteedna loo baahan yahay in soomaalidu ay isku tashato oo Ganacsatada, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo cid walba oo wax awooda ay ka qeyb qaadato gurmadka socda.


Waxaa Madaxweynahu uu xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noq noqday ay u baahan yihiin xal waara oo loo sameeyo bulshooyinka xoolo dhaqato beeraleeyda ah ee jiinka wabiyada iyo dhulka ka fog ilaha biyaha ku nool kuwaas oo sanadka wakhti kamid ah wajaha fatahaado halka wakhtiyada qaara ay lasoo daristo abaar aad u daran.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment