Ciidamada Haramcad oo dagaal ku dilay taliyihii saldhigga BELEDWEYNE

Bulsha:- Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Beledweyne uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee la geeyey halkaasi.

Iska hor imaadka ayaa ka qarxay gudaha saldhigga Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ciidamada Haramcad ay ku dileen taliyihii saldhigga booliska ee degmada Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duur-jooge) oo ku sugnaa saldhigga, xilliga ay dhaceysay is-rasaaseynta u dhexeysay labada ciidan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan, kaas oo ka dhashay dad lagu xiray saldhigga.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan oo ku aadan xiisad ka dhalatay dilka taliyihii booliska Beledweyne.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, waxaana jirtay in siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay horey uga soo horjeesteen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee hadda dilka geystay, kuwaas oo doorashada darteed looo geeyey halkaasi.


Si kastaba, arrimahaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo heshiis la gaaray reer Beledeyne, kaddib kulamo is-daba joog ah oo ka dhacay xarunta Hiiraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment